Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qabriga Hoggaamiyihii aas aasay kooxda Taalibaan oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Kooxda Taalibaan ee heysata talada dalka Afgaanistan ayaa markii ugu horeesay soo bandhigay qabriga uu ku aasan yahay hoggaamiyihii ururkaasi aas aasay in badana madax ka ahaa ee Mula Maxamed Cumar .

Taalibaan ayaan wali shaacin halka rasmiga ah uu kuyaal qabriga hoggaamiyahooda, waxaana qabriga booqasho ku tagay hoggaamiyaal iyo xubno kale oo katirsan madaxda sare ee kooxda Taalibaan.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay i in hogaamiyayaasha sare ee Taalibaan qaarkood ay ka soo qeyb galeen xaflad ka dhacday halka uu ku aasan yahay Mula Maxamed Cumar.

Kooxda Taalibaan ayaa geerida hoggaamiyahoodii hore shaacisay sannadkii 2015kii , waxa ayna xilligaasi sheegeen in Mula Cumar labo sanno kahor u geeriyooday xanuuno lasoo darsay.

Talada dalka Afganistan waxaa si buuxda ula wareegtay kooxda Taalibaan oo sannado badan dagaal kula jiray dowladii Afgaanistan ee caalamu taageerayay, waxa ayna Talibaan hadda bilowday in ay soo bandhigto ayna booqdaan qabriga hoggaamiyahoodii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lamaane Marqaati ahaa oo lagu hortoogtay Maxkamadda Randburg iyo Shaki ka dhashay

Cabdi Cade

Aabaha dhalay nin lagu dilay Muqdisho oo codsi qiiro leh u diray madaxda DFS

Cabdi Cade

Todoba caruur isku qoys ah oo ku dhintay dab qabsaday gurigooda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---