Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo xaalad oo adag oo dhinaca Nolosha ah galinaya dadka ku haray magaalada Kyiv

Dowladda Ruushka ayaa duullaan dhinacyo kala duwan leh ku qaaday dalka Ukraine, waxa ayna Ruushka hadda doonayaa in xaalad adag oo dhinaca molosha ah galiso dadka ku haray magaalada Kyiv ee caasimadda Ukarine.

Ciidamada Ruushka ayaa marar badan duqeymo ku garaacay caasimadda Ukraine, waxa ay sidoo kale Ruushka burburiyeen kaabayashii dhaqaalaha iyo sidoo kale waxyeelo xooggan u geesteen wakaaladda Tamarta ee dalkaasi.

Magaalada Kyiv ayaa laga cabsi qabaa in ay noqoto koronto la’aan iyo biyo la’aan xilli lagu jiro qaboobo, waxaana Ruushka la sheegay in uu doonayo in dadka ku dhaqan magaaladaasi nolosha ku adkaato ayna dhintaan.

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay sameeyeen wax kasta oo suurtagal ah si ay magaalada uga dhigaan koronto, biyo iyo dirimaad la’aan, isagoo sheegay in Ruushku uu doonayo in dhammaan dadka halkaa ku sugani dhintaan.

Ciidamada Ruushka ayaana la sheegay in ay burburiyeen boqolkiiba afartan nidaamka tamarta ee Ukraine, waxaana laga sheegay in qeybo badan oo Ukraine katirsan halis ugu jirto koronto la’aan baahsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Dhabancad oo fariin deg deg ah u diray Xildhibaanada Teendhada ka maqan

Cabdi Cade

Israaiil oo Q/Midoobay ku eedeysay iney si toos ah ula safatay kooxda Xamaas

Caydiid Ali

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea oo is gacan qaaday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---