Mareykanka ayaa si kulul u dhalaceeyey tallaabada ay dowlada Iran ku tijaabisay gantaal cusub oo siday dayax gacmeed, isagoo arrintaasna ku sifeeyey mid walaac xoogan dhalin kara.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in tijaabadaasi ay ka hor timid go’aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Iran looga codsaday in aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo la xiriira gantaallada balaastiga ah ee awoodda u leh in ay xambaaraan madaxyada Niyukleerka.
Ciidamada kacaanka ee Iran ayaa sheegay in gantaalka uu isgaarsiinta satellite-ka gaarsiin doono meel 500,000 u jirta dhulka.
Waxaa haatan hakad ku jira wadahadalladii looga gollahaa in dib loogu soo celiyo heshiiskii dhexmaray Iran iyo quwadaha caalamka kasoo looga hortagayay xoojinta barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com