Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo gaaray degaano cusub oo Al-Shabaab lagala wareegay (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaannada Wargaadhi, Geedi xeer, Xasan geedi, Qaahira, Maxaa Saciid iyo Nuur dugle oo dhowaan lagala al shabaab.

Socdaalka Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen Xubnaha labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan, Axmed Xasan Cadow (Axmed daaci) iyo Saraakiil kale ayaa waxaa deegaanka Nuur dugle kusoo dhoweeyay Xildhibaan Yuusuf Ibraahin Afrax iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole.

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan deegannada laga saaray Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in alshabaab ay ka carareen dhamaan deegaanadaan oo sida uu sheegay ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, isagoo xusay in dhamaan deegaannada laga saaray ayna ka jirin wax horumar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Daacad u ah Gen Haftar oo Dhowr Jiho ka galay magaalada Tripoli (Sawirro)

Cabdi Cade

Cabaas Osman Abshirow oo la dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Daawo :-Imisa ruux ayaa loo daayay Kiiskii dilka Xamdi Max’ed, Yaase ku haray Xabsiga?

admin
Taboola Ads ---