Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Odawaa oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xerada Nacnaca

Nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa xalay isku qarxiyay afaafka hore ee xerada Nacnaca ee kutaalla degmada Wadajir, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in qaraxa fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo kusoo dhax dhuuntay dhallinyaro xerada loogu xareenayay in ay kamid noqdaan ciidamada Qaranka.

Jeneraal Odawaa Raage ayaa sheegay in qaraxa ku geeriyoodeen 5 ruux  halka ay dhaawacmeen 11 kale oo kale oo dhaawacyadooda lagu daweenayo isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Jeneraal Odawaa in ay socdaan baaritaano ay wadaan saraakiil katirsan ciidamada milatariga  oo ku aadan raad-raacaya iyo xogta qofka is qarxiyay si ay u helaan macluumaadkiisa,

Taliyaha ayaa cadeeyay in aysan joogsan doonin tababarka la siinayo dhallinyarada dooneysa in ay kamid noqdaan Ciidamada qalabka sida ee doonaya in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Xerada Nacnaca ee loo bixiyay Jeneraal Dhagabadan ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah ay fuliyeen rag waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo dhax gelay dhallinyaro ciidan loo tababarayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil loo geysatay Xildhibaan Baarlamaan & dabley ka dambeysay oo la baadi goobayo

Caydiid Ali

Mucaaradka Somalia oo damac uu kaga jiro kuraasta xilalka sare ee dowlada Farmaajo

Caydiid Ali

Farmaajo oo bilaabay Ololihisa doorashadda, halku-dheg yaab lehna la baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---