Allbanaadir.com
NEWS

Qarax kale oo xooggan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka ee Muqdisho

Qarax kale oo xooggan si weyna jugtiisa looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho gaar ahaan koontaroolka laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada.

Goobjoogayaal ku sugnaa meel ku dhaw halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxa oo aad u xooganaa, waxa ayna sheegeen in aysan wali ogaan karin waxa uu ahaa qaraxan daqiiqado kahor dhacay.

Qaraxyo kale oo dhoor ah ayaa caawa laga maqlay qeybo kale oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas, dadkii shacabka ayaana inta badan ka kala cararay hoteelada iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxyadan ka dhacay caawa magaalada Muqdisho, waxa ayna qaraxyadan dhacayaan xilli isbuuc kaliya laga joogo qaraxyadii lagu hoobtay ee ka dhacay isgooska Soobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Yuusuf dabageed kala hadlay Saraakiisha ciidamada gobolka Hiiraan? (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo War cusub ka soo saartay xaalada gobolka Gedo, dowladana ku eedeysay..

Caydiid Ali

Dabageed oo shaqada ka joojiyey duqa Magaalada Belad-weyne iyo xubno kale (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---