Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Iran oo markii ugu horeesay qiratay in Diyaarado siisay Ruushka iskana fogeysay in ay…

Dowladda Iran ayaa markii ugu horeesay qiratay in diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ee fuliya duqeymaha siisay dowladda Ruushka, balse waxa ay Iran beenisay in hubkaasi loo adeegsaday duqeymo ka dhacay Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian ayaa warbaahinta Iran u sheegay in Ruushka siiyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn dhoor bil kahor inta aysan bilaaban duullaanka Ruuska ku qaaday Ukraine.

Waxa uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Iran in aysan heyn cadeemo muujinaya in diyaaradaha Iran siisay Ruushka ka qeyb galeen dagaalka ka socda Ukraine ayna geesteen duqeymo khasaaro geestay.

Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeesay Iran in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn Shahed-136 ama ‘Kamikaze’ ka qeyb qaateen duqeymaha Ruushka ka wado Ukraine, Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in la arkay burburka qeyb kamid ah diyaaradahaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka qoys lix qof oo Soomaali ah oo laga helay Qaahira

Caydiid Ali

Safiirkii dowlada Shiinaha u fadhiyay Israa’il oo la helay isaga oo Meyd ah

Cabdi Cade

Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday magaalada Toronto (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---