Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo kormeeray xarunta Golaha Wakiiladda Puntland ( Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxaa uu kormeer ku tagay Xarunta Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS ayaa waxaa xarunta Golaha Wakiilada Puntland ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyagoo mid mid u kormeeray xafiisyada ay ku shaqeeyaan aggaasimeyaasha iyo howlwadennadda Golaha Wakiiladda Puntland waxaana uu boggaadiyay shaqada baaxada leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland, waxa uuna halkaasi kula kulmay qaar kamid madaxda maamulka Puntland.

Related posts

Muxuu Cali Yare Cali ka yiri shahaadada Musharaxnimo ee la siiyey Mahad Salaad?

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Xukuumada Somalia oo la kulmay Waxgaradka Cadaado ee tabashada …

Cabdi Cade

Ciidamada NISA iyo kuwa Shisheeye oo howlgal ku dilay Saraakiil iyo Xubno kale oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---