Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo ka jawaabtay Wararka sheegaya in ay gabaad siiso kooxda Al Shabaab

Maamulka Somaliland ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaantay wararka sheegaya in ay gabaad siiyaan dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah deegaanada Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamadda Somaliland Jeneraal Nuux Ismaaciil ayaa sheegay in aysan gabaad siin kooxaha argagaxisa uu tilmaamay in umadda dhibaato ku hayaan, waxa uuna beeniyay eedeynta maamulkooda loo jeediyay.

Waxa uu sheegay taliyaha in eedeynta uga timid dhinaca Puntland uu yahay mid aan laga fiirsan, isagoona tilmaamay  in liiskii u danbeeyay ee shakhsiyaadkii Maraykanku ku tilmaamay in ay taageeraan Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan Puntland.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli dhawwaan taliyaha ciidamada maamulka Puntland ku eedeeyay maamulka Somaliland in gabaad iyo gacan siiyaan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dufcadii 12-aad oo ka qelin jebisay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Israel oo mar kale haween iyo caruur ku laayey bartamaha Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada oo yeeshay Shir dhowr arrimood looga hadlay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---