Allbanaadir.com
NEWS

Ammaanka Isbitaal kuyaalla Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay kaddib Digniino amni oo soo baxay

Ammaanka isbitaalka Rejeb Dayib Erdogan Ex-Digfeer ayaa si weyn loo adkeeyay, kaddib markii ay soo baxeen digniino amni oo la xariira in ay dhici karo weerar Al Shabaab ku qaadaan isbitaalkaasi.

Waddooyinka soo gala isbitaalka ayaa gabi ahaan la xiray , waxaana halkaasi la geeyay ciidamo badan oo katirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, waxaa sidoo kale heegan la galiyay ciidamo gudaha isbitaalka ku jira.

Dadka galaya gudaha isbitaalka ee isugu jira shaqaalaha, dadka adeegyada caafimaad isbitaalka u doonta iyo dadka la jooga bukaanada ayaa si weyn loo baarayaa marka ay galayaan gudaha isbitaalka Difgeer.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in qaar kamid ah shaqaalaha Turkida aan muhiimka ah ee ku sugnaa gudaha isbitaalka Digfeer loo daadgureeyay xarunta safaaradda Turkiga ee ku leedahay magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ayaa shaqo badan u haya bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, waaana halka la geeyay inta badan dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii isbuuc kahor ka dhacay isgooska Soobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada oo ka hadashay Nin dil ka geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Talo ku socota Beesha Cadaado ee ka careesan Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Villa Somalia oo faahfaahin ka bixisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---