Qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Al Shabaab ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaankaasi, howlgalada ayaana looga gon leeyahay in Al Shabaab laga saaro goobaha ay joogaan.
Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay in maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood aysan rebin in xilligan laga adkaado Al Shabaab lagana saaro dalka.
Waxa uu sheegay Jeneraal Tuuryare in madaxda maamul goboleedyada xukun jaceyl dartiis u rabaan in Al Shabaab aan dalka laga saarin, waxa uuna xusay in ay aaminsan yihiin in xukunka weenayaan haddii Al Shabaab dalka laga saaro.
”Madaxda maamulada qaar joogista Al Shabaab ayeyba dan moodaan, haddii Al Shabaab laga itaal roonaado waxa ay ay qabaan walaaca ah in siyaasiyiinta ka soo horjeeda ay usoo guuraan deegaanada maamuladaasi oo haatan Shabaab looga cabsado Al Shabaab” ayuu yiri Jen Tuuryare.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli maamul goboleedyada qaar aysan wali diyara u aheyn in ay dagaal la galaan Al Shabaab, waxaana howlgalka hadda ugu xoogan ka socdaa deegaanada maamulka Hirshabelle.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com