Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo ku guuleesatay in xabsiyada Hindiya laga soo daayo Soomaali ku xirneed(Sawirro)

Ciidamada booliiska dalka Hindiya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Hyderebad ee dalka Hindiya waxa ay ku xirxireen dad Aoomaaliyeed oo lagu eedeeyay in sharci darro ku joogeen gudaha Hindiya.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda dowladda Soomaaliya ee dalka Hindiya ahna Ku-simaha Safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur ayaa tagay Magaaladda Hyderabad gaar ahaan xabsiyadii lagu xiray muwaadiniinta Soomaaliyeed .

Danjire C/fitaax ayaa kulamo kala duwan la qaatay hey’adaha amniga Hindiya gaar ahaan booliiska, waxa uuna ku guuleestay in dib xabsiga looga sii daayo Muwaadiniin Soomaaliyeed , sidoo kale loo soo celiyo baasabooradoodii booliiska ka qaateen.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Hyderabad ayaa isugu jira kuwa u jooga arrimo Caafimaad iyo Arday wax ka barata halkaasi, qaarkood ayaana la sheegay in ay ka dhaceen fiisooyinkii ay ku joogeen gudaha Hindiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo u duulay Kismaayo iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo si dadban uga hor yimid Rabitaanka Madaxweyne Farmaajo !1

Cabdi Cade

Shir shaki galiyay Farmaajo oo Xalane ka furmay iyo Musharax dagaal ooge ku…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---