Qorshayntu waa dadaal habaysan oo ay ku jiraan dejinta tusmada yoolalka iyo siyaabaha lagu gaaro kharashka iyo Waqtiga ugu hooseeya ee suurto galka ah.
Waxay ka dhigan tahay daraasad ballaaran oo ku saabsan xaqiiqda, ogaanshaha cudurka iyo horumarinta daawooyinka ku habboon. Ma qorshaynaa oo ma maaraynnaa dhacdooyinka, mise dhacdooyinku waxay noo horseedaan wax aan la garanayn.
Ma gaarnay natiijadii la rabay, mise waxaynu nahay dhibane aan natiijadii la rabay gaarin, Maxaa qorshuhu u maqan yahay, hadduu jirona, aaway mirihiisii?
Dhibaatooyinka ka dhalan kara qorshe la’aanta ayaa ah kuwo u muuqda in ka badan hal heer. Tusaale ahaan, shaqo la’aan qarsoodi ah oo ka jirta waaxaha iyo hay’adaha, maadaama tirada shaqaaluhu ay ka badan yihiin tirada shaqooyinka, halka shaqaalaha wax soo saarkiisu uu daciif yahay.
In baabuurta raaxada lagu iibsado lacag aad u badan iyo matooro awood badan leh oo loo isticmaalo arrimo aan rasmi ahayn waa khasaare kale oo hanti ah.
Raadinta faa’iidada shakhsi ahaaneed, maalgashiga shaqada, iyo ka faa’iidaysiga goobta shaqada sidoo kale waa khasaare hanti. Isdiiwaan gelinta waxbarashada jaamacadaha si aan kala sooc lahayn, ayaa ah kororka heerka shaqo la’aanta iyo saboolnimada.
Ka fogaanshaha waxbarashada farsamada gacanta waa riyo ay qabaan dhalinyaro badan, balse aan helin fursadaan, ka faa’idaysi la’aantaas waa luminta fursad ballaaran..
Carqaladeynta mashaariicda waaweyn iyo inaan loo dhaqaaqin wax soo saar horumarsan ayaa ka dhigaysa in hormarkii laga gaabiyo.
In aan la dhiiri galin beerashada dalagyada kala duwan oo aan fududayn suuqgeyntooda iyo taakulayntooda waa cillad kale.
La-taliyeyaal joogta ah oo loo magacaabo wasaaradaha kala duwan iyo waaxyaha iyadoo aan loo baahnayn ayaa ah hab musuq-maasuq iyo hanti lunsi.
Haddaba, indho la’aanta qorshayntu waxay keentaa khasaare isdaba joog ah oo ka sii dara dhibaatooyinka iyo soo noqo noqoshada raadinta xalalka oo aan faa’iido lahayn. Qorshuhu ma maqnaan doonaa, mise waynu ka kacnaa oo ka toosaynaa hurdada aan ku jirno?
W/Q:Abdirashid Dalka
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com