Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax weyn oo saaka ka dhacay degaanka Masaajid Cali Guduud & ciidanka XDS oo ka hadlay

Saaka aroornimadii Ciidanka Kumandoska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degaanka Masaajid Cali gaduud ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa Gubay  gaari ku soo wajahnaa degaankaas

Gaarigan oo noociisu ahaa Layla calawi ayey ciidamadu sheegeen in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, lana doonayey in lagu weeraro mid ka mid ah fariisimaha Ciidanka ee  Degaankaas.

Taliyaha Guutada 17-aad G/lle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida in gaariga laga war hayay sidaasna loogu gubay in taanu soo gaarin fariisinka Ciidanka.

“Waxaa ku dhintay dhagar-qabihii waday gaarigaas oo kaliya, ma jirto cid kale oo wax ku noqotay, ciidamaduna waa kuwo foojigan” ayuu yiri  G/lle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle.

Dadka degaanka Masaajid Cali Guduud ayaa sheegay iney saaka waaberigii maqleen rasaas xoog leh iyo qarax weyn oo ka dhacay duleedka degaankaas.

Al-Shabaab ayaa laga fara maroojiyey degaanka Masaajid Cali Guduud ka dib dagaalo muddo todobaad ah ka socday degaankaas oo haatan ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaasha Maamul goboleedyada oo kasoo horjeestay Go’aan kasoo baxay Maxkamada sare (Akhriso)

admin

Taliyihii Ciidamada Danab oo xabsi la dhigay iyo Kheyre oo Sabab u noqday !!

admin

Xukun Adag oo lagu riday Maamule Imtixaan u galay Askari AMISOM katirsan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---