Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dabley hubeysan oo fal dil ah ka geysatay Magaalada Laascaanood

Dabley hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney xalay fal dl ah ka geysteen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool sida ay sheegayaan wararka halkaad naga soo gaaraya.

Cabdiraxmaan Cali Malaay oo ka tirsanaa dhalinyarada magaalada Laascaanood ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gaaray goobta lagu dilay marxuumka, inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada dableyda falkan geysatay oo goor horeba halkaas ka baxsaday.

Weli lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay marxuumka iyo cida ka dambeysa, waxaana dilkan uu qeyb ka noqonayaa dilal fara badan oo dabley hubeysan horey uga geysteen magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa dhowaan ka soo masaafurisay magaalada Laascaanood boqolal qoys oo ka soo jeeda koonfurta Somalia, iyagoo u aaneynaya iney ku lug leeyihiin dilalka ku soo batay halkaas, balse talaabadaas ayaan waxba aka bedelin amniga, dilalka ayaana weli ka sii socda magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha shacabka oo la horgeeyey Mooshin la xiriira xariga Cabdalla Muumin (Sawirro)

Caydiid Ali

Bankiga Horumarinta Afrika oo taageero u balan-qaaday dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir oo lagu soo dhoweeyey Xarunta Jaamacada Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---