Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Gudoomiye Aadan Madoobe oo shir muhiim ah ka furay Garowe (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelinkii dambeĀ  magalada Garoowe ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona mudo hal todobaad ah.

Shirka oo ay furitaankiisa ka qeyb galeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa waxaa ugu horeyn Shirka faahfaahin ka bixiyey Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” oo sheegay in shirkan muhiimadiisu ay tahay in la isla meel dhigo howlaha hortebinta u leh Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu shirkan leeyahay maadaamaa looga doodi doono mudada uu socdo ajendayaal muhiim u ah Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kolonyo ciidan Mareykan ah oo lagu qarxiyey duleedka Kismaayo & AFRICOM oo..

Caydiid Ali

Mahad Salaad oo sharci daro ku sifeeyey qoraalkii DF ka soo saartay doorashada Galmudug

Caydiid Ali

Xukunno adag oo lagu riday Taliyihii Saldhigga Degmada Hiliwaa Qoslaaye iyo kooxdiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---