Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo soo gebagebeeyey safarkii uu ugu Maqnaa dalka Aljeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo hor-geeyey Shir-madaxeedka dalalka Carabta doorka ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan walaalahooda Carbeed ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kula kulmay madasha shirka uu ku qabsoomay hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo madaxda Ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay, isagoo uga warbixiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u socdaan abaabulka wadajirka ah ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Aljeeriya oo haatan ah Madaxa Jaamacadda Carabta Mudane Cabdul-majiid Tabuun.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdul-fataax Al-siisi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Madax kale, si uu u xoojiyo diblumaasiyadda Soomaaliya iyo xaqiijnta danaha Qarankeenna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madax ka qeybgashay Salaada Janaasada Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamad dambiyo culus ku heshay wiilka Madaxweyne Biden (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Qoor-qoor oo deg deg ugu laabtay Dhuusamareeb ka dib culeysyo soo wajahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---