Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaramada Midoobay oo digniin culus ka bixisay musiibo ku soo wajahan caalamka

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in saddex meelood meel barafka yaalla goobo ku yaalla adduunka uu dhalaalayo ilaa marka la gaaro sanadka 2050-ka.

Qoraal ay soo saartay Qaramada Midoobay ayey ku sheegtay in arrintan ay sabab u tahay isbeddelka cimilada ee dunidu ay gashay.

Cilmi baarayaasha ayaa waxay isticmaaleen xogta dayax-gacmeed, si ay ula socdaan hoos u dhacaa ku dhawaad​​sagaal iyo toban kun xajmi baraf gaaraya.

Warbixinta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka – UNESCO – ayaa sheegtay in haatan ay tahay xili xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen, oo aanan waxba laga qaban karin isbeddellada socda; iyo in qiiqa caalamiga ah loo baahan yahay in si weyn loo dhimo, si loo yareeyo baaba’a ku socda barafka oo haddii uu sii socdo keenaya iney biyaha ka hoos maraan jasiirado iyo dhul kale oo haatan lagu nool yahay.

Waxay ku soo gabagabeeyeen baaritaanka in xitaa haddii kororka heerkulka caalamiga ah laga dhigo mid ka hooseeya hal-dhibic- iyo- shan darajo, barafka yaalla goobaha sida buurta Kilimanjaro dalka Tansania iyo Yosemite ee dalka Maraykanka ay baabi’i doonaan soddon sano gudahood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan Muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade

Volodymyr Zelensky oo shil gaari galay iyo Warbixin laga soo saaray xaaladiisa caafimaad

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo wufuud dhexdhexaadin ah u diray dowlad goboleedkii Sadexaad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---