Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada dowlada oo sheegay iney 150 dagaalyahan ku dileen degaanka Ceel hareri

Dagaalo culus ayaa la soo sheegayaa iney maanta ka dhaceen degaano ku yaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe kuwaasoo dhexmaray ciidamada DF oo kaashanaya kuwa degaanka iyo kooxda Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada isgarabsanaya ay weerar ku qaadeen degaanka Ceel hareri oo ay joogeen Al-shabaab

Ciidanka Kumaandoska Xoogga Dalka Soomaliyeed ee Danab oo qeyb ka ahaa dagaalka iyo Ciidanka Difaaca Degaanka ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii maanta oo ilaa gabal dhicii soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay ka qeyb qaateen dayuuradaha Droneska ee ciidamada Mareykanku ay leeyihiin kuwaasoo garaacay goobaha ay joogeen Al-Shabaab.

“Dagaalkan argagixisada waxa looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad gaaraya 150 waxaana Dagaalka Dhinac socday Duqaen dhanka Cirka taasoo gabi ahaanba cagta lagu mariyey Fariisimihii Argagixisada” sidaa waxaa yiri Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska  Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab Gashanle Dhexe Axmed Cabdilaahi Nuur (Beeryare).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal ka tirsan qaarada Yurub oo Mamnuucay guurka dadka ilmo adeerka ah (Sababta)

Caydiid Ali

Shirkadda Kenya Airways oo fariin hanjabaad ah u dirtay Shaqaale shaqo joojin sameeyay

Cabdi Cade

Shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya kursigii Sanbaloolshe ee Baarlamanka Somalia oo la soo bandhigay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---