Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa deeqo kala duwan oo qeyb ah Gurmadka Qaraxyadii Zoobe kala wareegey Dowladdaha Kenya, Itoobiya iyo jabuuti.
Dowladda Kenya ayaa ka mid noqotey Dowladaha ka qeyb qaatey Gurmadka masiibadii ka dhalatey Qaraxyadii Argagixisada ay ka geys Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 29-kii October iyagoona keeney diyaarad sidey Cuntooyin nafaqo ah oo isugu jiro noocya kala diwan.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda Kenya oo ka qeyb qaadatey gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin.
Sidoo kale Wasiirka ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddi hordhac ah dhaqaatiir u dhalatey Dalka Itoobiya oo ka qeyb qaadan doono daweynta dhaawacyada isagoo kala wareegey Dawo qeyb ka ah gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.
Itoobiya ayaa sidoo kale laga filayaa dhaqaatiir kale iyadoo maanta ay Soomaaliya soo gaareen Dawo iyo guddiga hordhac u ah khubarada ay soo diri doonaan dhanka qaliinada ah ee ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo Daweynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii Isgoyska Zoobe 29-kii October.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey dhaqaatiirta taqasus u leh Kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii Zoobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya oo Dawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin iyo dhaawacyada u baahan qaliimada wajiga.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Aadan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey dhaqaatiir u dhalatey Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo qeyb ka ah gurmadka daweynta dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii Argagixiso ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Dowladda aan Walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa sidoo kale soo dirtey Daawo ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo Daweeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii isxigxigey ee argagixisada ka geysteen Isgoyska Zoobe 29-kii October.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda Jabuuti oo Dawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com