Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Cali Jeyte oo ka hadlay Falkii lagula kacay Wiilal uu dhalay nin Shabaab ah

Gudoomiyana gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay fal araggax leh oo ciidamo katirsan macawiisleyda Hiiraan u geesteen labo wiil oo la sheegay in uu dhalay nin katirsanaa Al Shabaab.

Ciidamada Macawiisleyda ayaa weerar ku qaaday guri ay ku sugnaayeen wiilashan yar yar waxa ayna xaniinyaha ka siibeen wiilashaasi oo mid kamid ah dileen, halka mid kalana isaga oo dhaawac culus qaba lagu daweenayo Muqdisho.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in aad uga xun yihiin falka ka dhacay deegaan hoostaga degmada Buulaburde, waxa uuna sheegay in ay dambi tahay in la dilo carruurta iyo xaasaska Al Shabaab aan dagaalka ku jirin.

Waxa uuna sheegay in dadka madaxadooda iyo xaniinyahooda uu lacagta dul dhigay aysan ku jirin carruurta iyo xaasaska Al Shabaab, waxa uuna xusay in dadka abaalmarinta lagu bixinayo yihiin Shabaabka rasmniga ah iyo sirdoonkooda.

“Waxaan rabaa hal qodob inaan caddeeyo amaba iftiimiyo, oo ah dhacdadii maalin dhaweyd ka dhacday Aboorey. Anigu waxaan iri ragga qoryaha wato ee Al Shabaabka ah iyo kuwa sirdoonka ah ee faltamaya madaxooda lacag baan saarnay, Allaha (SWT) wiilka anigu aan dhalay dembiga anigu aan la imaaddo annaa iska leh, wiilka dembiguu la yimaadana, hadduu qaangaarana asagaa iska leh, taasi soo ma cadda? Dembiga aan anigu galay wiilkayga Ilaahay ma u ciqaabayaa? Waa maya, sabab loogu ciqaabaa ma jirto.” ayuu yiri Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaana sheegay in uu ka xunyahay in falkaasi iyo kuwa lamidka ah isaga loo nisbeeyo, waxa uuna digniin u diray dad uu sheegay in ay ka shaqeenayaan iska horkeenida bulshada dhaxdeeda ah.

Hadalka guddoomiyaha Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli dhawwaan ciidamo  macawuusley ah dil iyo dhaawac araggax leh u geesteen carruur uu dhalay nin katirsan Al Shabaab, waxaana falkaasi cambaareeyay odayaasha beesha ay kasoo jeedaan carruurtaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir u dhashay Israa’il oo lagu helay in uu basaas u ahaa dowlada Iiraan

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia & Qatar oo heshiis iskaashi ku kala saxiixday Doha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Daraasad dheer ku sameeyay Cadaalad darada iyo Cabashooyinka Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---