Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Ku-simaha Madaxweynaha oo kulan xasaasi ah la qaatay Axmed Madoobe

Ku-simaha Madaxweynaha Somalia ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyay xaaladaha guud ee degaanada Jubaland, gaar ahaan amniga degaanada dowlad goboleedkaas, dadkii Ku waxyeeloobay weerarkii Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dadka ay abaartu saameysay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa boggaadiyay in Jubbaland ay dhankeeda ka go’antahay inay ku biirto la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, kana qeyb qaadato howlgalada kooxdaas looga sifeynayo dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka mid ahaa madaxda dowlad goboleedyada ee Muqdisho kaga qeyb galay shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee maalmo ka hor la soo gebagebeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo kormeeray qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada Hirshabelle oo Beeniyay Warar saacadihii lasoo dhaafay la baahiyay

Cabdi Cade

DF oo joojisay in Shaqaale Soomaaliyeed dibadda loo dhoofiyo meeshana ka saartay ruqsado horey…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---