Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya & TPLF oo heshiis nabadeed ku gaaray wadahadalkii u socday

Ergeyga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Itoobiya Olusegun Obasanjo ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadalladii nabadeed ee dalka Koonfur Afrika ay ku heshiiyeen in la joojiyo colaadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Maamulka Tigrayga.

Wadahadalladan ayaa Talaadadii lasoo dhaafay ka billowday Koonfur Afrika, waana kuwii ugu horreeyay oo rasmi ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaal ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, isla markaana ay ka dhasheen dhibaatooyin bani’aadamnimo oo ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigrayga ayaan weli ka hadlin nuxurka heshiiska uu ku dhawaaqay Chief Obasanjo. Laakiin Isniintii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladda federaalku “ay isku dayayso inay ku qanciso TPLF inay ixtiraamto sharciga dalka iyo dastuurka, ayna u dhaqanto sidii hal gobol oo ka tirsan Itoobiya.

Heshiis ku saabsan xabad joojinta degdegga ah ee dagaalka ayaa ka mid ahaa qodobbada muhiimka ah ee laga filayo wadahadallada nabada, kaasoo uu fududeeyay Chief Obasanjo, oo ay weheliyaan Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Dr Phumzile Mlambo-Ngcuka. Wakiilo ka socda IGAD, UN-ka iyo Maraykanka ayaa la sheegay inay goobjoog ka ahaayeen.

Faahfaahinta buuxda ee heshiiska weli lama hayo, laakiin Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku celiyey baaqiisii ​​15 Oktoobar ee ahaa “Xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah” oo ay weheliso dib u soo celinta adeegyada bini’aadantinimo ee gobolka Tigray.

Wadahadalada nabada ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee si rasmi ah oo fool ka fool ah u dhexmara dawlada federaalka ah ee Itoobiya & kooxda TPLF ku dhawaad laba sano oo uu dagaal ka dhex socday

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee RW Khayre & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sawirro :Taliyaasha Milatariga Maamulka Somaliland iyo Dowladda Itoobiya oo Adis Ababa …

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo arrimo kala duwan kala hadlay Axmed Bin Muxamed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---