Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo isbedel ku sameysay habraaca ka hortagga cudurka COVID-19 (Akhriso)

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada JFS iyada oo ka amba qaadaysa hoos u dhaca xoogga ah ee ku yimid Caabuqa COVID-19 islamarkaana ku xisaabtamaysa mashaariicda baahinta talaalka caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa wax ka badel lagu sameeynayo habraaca ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa COVID-19:

  1. Dhammaan dada ka safraya Soomaaliya loogama baahna Warqadda Caddeynta Baaritaan ee Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
  2. Dhammaan dadka usoo safraya Soomaaliya loogama baahna in ay la yimaadaan Warqadda Cadeynta Baaritaanka Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
  3. Dadka ka dhoofaya Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay iska hubiyaan una hoggaansamaan sharuudaha iyo habraacyada Wadamada ay u socdaan ee la xariira COVID19.

Wasaaradda Caafimaaka iyo Daryeelka Bulshada JFS waxay ku dhiiri galinaysaa muwaadaniinta in ay joogteeyaan tallaabooyinka ka hortagga halista Caabuqa COVID-19. Waxay sidoo kale ku dhiiri galinaysaa muwaadaniinta in ay qaataan Talaalka COVID-19 kana ilaaliyaan naftooda iyo kan ehealadooda khatarta Caabuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo ka fiirsanaya inuu dacwad ku oogo shirkadda AstraZeneca

Caydiid Ali

Salman Rushdie oo toorey si xun loogu dhaawacay xilli uu masrax Hadal ka jeedinayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Amiirka Guud Al-Shabaab oo oo fariin codeed uu soo diray ku weeraray Saddex dowladood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---