Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Erdogan oo Putin ku qanciyey inu ku laabto heshiis uu maalmo ka hor ka baxay

Madaxywaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu dib u bilaaban doono Heshiiskii dhoofinta Qamadiga Ukraine ee badda Madow.

Erdogan oo wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay inuu Putin ku qanciyay in heshiiskaasi dib u dhaqan galo kadib markii uu Ruushku maalmo kahor iskaga baxay heshiiskan.

Madaxywaynaha Ukraine ayaa maalin kahor sheegay iney badda ku xaniban yihiin maraakiib xambaarsan 2 milyan oo tan oo Qamadi ah, wuxuuna Caalamka ugu baaqay in talaabo laga qaado Ruushka oo uu ku eedeeyay inuu si ku talagal ah Afrika iyo Aasiya uga abuurayo macaluul baahsan.

Xukuumadda Moscow ayaa maalmo ka hor hakisay dhaqan-gelinta heshiiskii dhoofinta qamadiga ee ay garwadeenka ka ahayd Qaramada Midoobay, kaasoo oggolaanayey in qamadi ka badan 9 milyan oo tan laga dhoofiyo dalka Ukraine, taasoo gacan ka geysanaysa yaraynta dhibaatada cuntada adduunka iyo hoos u dhigista qiimaha.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sabab uga dhigtay ka bixitaankeeda heshiiskaas weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ku qaadeen maraakiibta Ruushka ee Badda Madow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ajaaniib dooneysay in ay ku biiraan kooxda Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Labo Kursi oo lasii ogyahay cida kusoo baxeysa oo beri lagu dooranayo Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Wael al-Dahdouh oo lug uga baxay magaalada Gaza iyo Dhibkii kasoo gaaray dagaalka Gaza

Cabdi Cade
Taboola Ads ---