Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo difaacay qaraxyadii lagu le’day ee ka dhacay Soobe

Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa difaacay qaraxyadii maalmo ka hor ka dhacay nawaaxiga isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo shacab ah oo aan waxba galabsan lagu laayey,.

Shiikh Mahad Warsame (Karataay) oo dowlada Mareykanku ay madaxiisa dulsaartay Malaayiin dollar, kana mid ah hogaamiyeyaasha sare ee kooxdaas ayaa ku andacooday in qaraxyadii ka dhacay Soobe ay ahaayeen kuwo loogu talo galay in lagu burburiyo  xarunta Wasaaradda Waxbarashada DF oo halkaas ku taalla.

“Qaraxii hore waxaa lala helay bartilmaameedkii loogu talo-galay oo ahaa xarunta Wasaarada, balse kii labaad waxaa rasaas ku furay ciidamada dowladda inta uusan gaarigu gaarin goobta loogu talagalay oo ah isla Wasaaradda, dowladda ayaana khasaaraha shacabka soo gaaray mas’uuliyadiisa qaadeysa,” ayuu yiri Mahad Karataay oo ka hadlayey shir ay iskugu yimaadeen culimo taageersan kooxdaas.

Waxaa uu been abuur ku tilmaamay hadalka dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay inay qaraxyadaas ku dhinteen dad ka badan boqol qof, isagoo xusay in tirada saxda ah ee dadka dhintay oo ay ku jiraan ciidamada DF ay yihiin 69 oo kaliya.

Karataay ayaa xusay in baaritaan ay muddo dheer wadeen ay ku ogaadeen in Wasaaradda Waxbarashadu ay waday qorshe ardayda Soomaaliyeed looga dhigayo askar, ayna arrintaas tahay sababta ay weerarkan ula beegsadeen.

“Dhiigga dadka muslimiinta waa naga xaaraan, shacabkii qaraxyada ku dhintay waan u tacsiyadeyneynaa, waanuna ka xunahay dhibaatada soo gaartay, mar kasta waxaan weerar ku nahay xarumaha dowladda, shacabka waxaan marar badan uga dignay haddana ugu baaqeynaa inay goobahaas ka fogaadaan, haddii aysan ka fogaan wixii soo gaaro mas’uul kama nihi” ayuu yiri Mahad Karataay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Diyaaradii ku bur burtay magaalada Bardaale

Cabdi Cade

Ma dhab baa Wararka sheegaya inuu cuntada ka soomay wadaadka Mukhtaar Roobow?

Caydiid Ali

Dalxiisayaal ku kacay arrin yaab iyo fajac noqotay oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---