Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka A/Dibedda DF oo qodobo muhiim ah kala hadlay dhigiisa Shiikh Salem Al-Sabah

Wasiirka Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa kulan kula qaatay  caasimadda dalka Algeria ee Algiers, dhigiisa Arrimaha dibedda ee Dawladda Kuwait Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa kala hadlay dhigiisa kuwait sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa loogana caawin lahaa dhibaatada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho, iska markaana loo gargaari lahaa dadka dhaawaca ah.

Sidoo kale Wasiirka ayaa dhigiisa Kuwait kala hadlay Cafinta deymanka Soomaaliya lagu leeyahay iyo sida ugu haboon ee Soomaliya uga faa’iidaysan karto kaalmada ay dawladda Kuwait ugu talo gashay horumarinta waxbarashada.

Labadda Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa waxa Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya ku weheliyey safiirada Soomaaliya u kala fadhiya Masar, Algeria iyo Agaasimaha waaxda Carabta ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Melania Trump oo booqasho ku joogta Magaalada Nairobi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ololaha Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka duwan kuwii hore iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Itoobiyaanka jooga Garawe oo lagu amray in ka baxaan magaalada hanjabaadna loo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---