Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii hore ee NISA oo shaaciyay tirada Al Shabaab looga dilay Masaajid Cali Gaduud

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidamada halkaasi ku galeen dagaal dhiig badan ku daatay.

Taliyihii hore ee ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo gaaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegay in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiyay dagaalkii deegaanka ka dhacay.

Jeneraal Tuuryare ayaa sheegay in Al Shabaab dagaalkii ka dhacay Masaajid Cali Gaduud looga dilay ku dhawaad 200-oo dagaalyahan, waxa uuna xusay in meydadka qaarkood laga aruuriyay markii ciidanka qaateen.

Waxa uu sheegay taliyihii hore ee NISA ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay yihiin kuwa ada u tiro badan oo sidoo kale heesta hub badan, waxa uuna ugu baaqay in howlgalka sii wadaan kana saaraan Al Shabaab meel kasta ay joogaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud, Al Shabaab ayaana isaga baxay deegaanka kaddib markii dagaal culus iyo duqeymo la kulmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Bas si xowli ah ku socday oo ku dhacay Webi iyo khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal dib uga qarxay Sudan iyo Taliyihii ciidanka booliiska oo…

Cabdi Cade

Caruur ciidamada dowladu ka soo furteen Al-shabaab oo xaalad adag ay ku heysato xarunta Xalane (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---