Allbanaadir.com
NEWS

Labo Nin oo Sannado badan u xirnaa dilkii halyey Malcom X oo Lacag Magdhaw ah la siinayo

Labo nin oo u dhashay dalka Mareykanka sannado badana u xirnaa dambi aysan gelin ayaa ugu dambeyn helaya malaayiin dollar oo magdhaw ah, waxaana labadan nin la cadeeyay in aysan gelin dambigii horey loogu xukumay.

Muxammad Aziz iyo Khalil Islam ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil magaalada New Yourk loogu geestay sannadkii 1965-tii Malcolm X oo ahaa halyey caan ka ahaa Mareykanka una dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda madaniga ah.

Garsooraha dib u eegay kiiskooda ayaa meesha ka saaray xukunnadii hore ee raggan lagu soo oogay, ka dib markii uu helay caddaymo cusub oo muujinaya inay jirtay cago juglayn loo geystay qaar ka mida markhaatiyadii, iyo inaan si hufan loosoo bandhigin caddaymihii la hayey, intii ay socotay maxkamadayntu.

Labada nin ee xabsiga ku qaatay sannadaha badan oo midkood hadda nool yahay ayaa helaya lacag magdhaw ah oo gaaraya 36 milyan oo dollar, waxaana lacagtan $26 milyan oo kamid ah bixineysa magaalada New Yourk halka gobolka bixinayo $10 milyan.

Muxammad Aziz oo isaga oo 84 sanno jir ah geeriyooday sannadkii 2009 kii iyo ninka kale Khalil Islaam ayaa labadaba horey u diidi jiray in iyagu ka dambeeyeen dilka lagu soo eedeeyay, waxa ayna marar badan dalbadeen cadaalad balse lama dhageysan.

Labadan nin ayaa sannado badan xabsiga ku qaatay iyaga oo u xirnaa dambi aysan gelin, waxaana markii dambe xabsiga laga sii daayay 1980-meeyadii. Lacagta magdhawga ah ee la siinayo ayaana loo qeybinayaa labada nin ee sharcida darrada u xirnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ka dalbatay inay deg deg u joojiso xukunnada dilka ah

Cabdi Cade

Yaa Bixiya Kharashka Ololaha Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya ? !!

Cabdi Cade

Kala furfur lagu bilaabay ciidanka PSF iyo Wararkii ugu dambeeyey xaalada Boosaaso

Caydiid Ali