Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in ay korotay khasaaraha Dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii Soobe

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana saacadihii lasoo dhaafay geeriyooday qaar kamid ah dadkii dhaawacyada culus qaraxyada kasoo gaareen.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay korortay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii Soobe, waxa uuna xusay in ay socdaan dedaalo lagula tacaalayo dadka dhaawacyada qaba.

Waxa uu sheegay wasiirka in hadda ay mareyso khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii Soobe 120-qof , waxa uuna xusay in ay jiraan dad isbitaalada ku jiray oo u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay in dadka qaraxyada ku dhaawacmay inta ay heleen xogtooda ay ka badan yihiin  325 qof, waxa uuna xusay in hadda isbitaalada jiifaan oo lala tacaalayo 152 qof , halka kuwii kalana guryahooda ku laabteen.

Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in dhaqaatiir ka caawisa daaweynta dhaawacyada culus ka dalbadeen dalal ay ku jiraan Turkiga, Sacuudiga, Masar iyo Kenya, waxa uuna xusay in dhaawacyada qaar adag tahay in la qaado sidaa darteed u dalbadeen dhaqaatiirta.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii labada ahaa ee sabtidii ka dhacay isgooska Soobe ayaana lacaga cabsi qabaa in ay kasii kordhaan tirada uu hadda sheegay wasiirka, waxaana jira bukaano dhaawacyo culus qaba oo xaaladooda laga deerinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

CIA-da Maraykanka oo qasabtay Farmaajo & ciidanka diidan muddo kororsiga oo..

Caydiid Ali

Halis gaar ah oo soo wajahday kumanaan haween ah oo ku nool Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Jabuuti oo war kulul ka soo saartay booqashadii Farmaajo ku tegay Eritrea (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---