Allbanaadir.com
NEWS

Aqalka Cad oo War kasoo saaray qaraxyadii lagu hoobtay ee ka dhacay Soobe

Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareesay qaraxyadii dadka badan lagu dilay ee sabtidii ka dhacay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxa ayna qaraxyadaasi ku tilmaantay kuwa nasiib darro ah oo shacab aad dambi gelin lagu laayay.

Jake Sullivan oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in si kulul u cambaareenayo Mareykanka qaraxyadii Soobe uu tilmaamay in ay ku dhinteen dad ka badan 100-qof ayna ku dhaawacmeen boqolaal qof oo kale.

“Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale, waxay si gaar ah ay u cambaareyneysaa beegsiga foosha xun ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka deg degga ah,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri Jake Sullivan.

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden, ayaa cadeeyay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay  inay dowladda federaalka Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay uga hortageyso ficillada argagixiso ee naxariis darrada ah.

Dowlado badan oo xiriir la leh Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo galaaftay nolosha dad ka badan 100-qof halka ay ku dhaawacmeen boqolaal qof oo kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo war ka soo saartay howlgalka cusub ee AUSSOM

Caydiid Ali

Turkiga oo ku biiraya dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia iyo Erdogan oo baaq diray

Cabdi Cade

Geed in ka badan 125-sanno Maxbuus ku ah Pakista iyo Sababta loo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---