Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Arrimaha Gudaha oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay falal aargoosi ah oo lagula kaco (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa saaka booqday xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah ee ay hirgelisay hey’adda musiibooyinka qaranka kadib qaraxii Zoobe ka dhacday October 29, 2022.

Cabdiraxmaan Maxamed Guutaale maamulaha xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah oo ugu horreyn wasiirka uga warbixiyey howlaha ilaa hadda ay qabteen ayaa sharaxaad ka bixyey diiwaangelinta ay sameeyeen sida khasaaraha kala duwan ee naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan dhaawacyada, dhimashada, dadka maqan, hantida kala duwan ee baaba’day iyo agoonta.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa bogaadiyey shaqada xarunta iyo ahmiyadda ay leedahay, isaga oo soojeediyey in lala shaqeeyo hey’adda maareynta musiibooyinka iyo xarunta gurmadka si ay u helaan xogaha maqan.

Wasiir Fiqi waxaa uu xusay in loo baahan yahay in shacabka istaakuleeyaan, dhanka kalana ay ka feejignaadaan argigixisada jabtay ee u socota aargoosigooda isaga oo yiri “ Si khasaaraha u yaraado waa in lasoo sheego argigixisada, argigixisadu waxaa ay ku faaneen leynta Shacabka Soomaaliyeed, waa in sida tuugada loo qabanayo oo kale in lasoo qabto”.

Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu xusay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hormuud ka tahay dadaallada kala duwan ee gurmadka, waxaa uuna adkeeyey in la ballaariyo howlaha socda, oo dadka oo dhan ay ka qeyb qaataan.

Shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa dhiig u shubay dhaawacyada qaraxa Zoobe, waxaa kale oo ay wasaaraddu uga qeybqaadatay gurmadka $5,000.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Ku-simaha Madaxweynaha & danjire David Concar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Milatariga oo caawa la wareegay xarunta Degmada Howl Wadaag iyo Goobo kale

Cabdi Cade

Bilad Madaxweyne oo gaari lagu dhax xaday iyo Sargaal Milatari oo loo xiray

Cabdi Cade