Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Buundo duntay oo sababtay geerida dad ka badan 120qof (Daawo Sawirro)

Buundo gaadiidka iyo dadweynaha isticmaalaan oo kutaalla degmada Morbi ee gobolka Gujarat ee dalka Hindiya ayaa xalay duntay, waxaana ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 120 qof ayaa ku dhintay buundada duntay sida warbaahinta Hindiya baahiyeen, waxaa sidoo kale shilkan ku dhaawacmay dad ka badan 30 qof oo qaarkood la sheegay in dhaawacyo culus qabaan.

Wasiir katirsan dowladda Hindiya ayaa sheegay in xilliga buundada dumeysay ay dul marayeen dad ka badan 150 qof, waxaana xilligaasi buundada agteeda ku sugnaa boqolaal dad ah oo u dabaaldegayay munaasabadda Dilwali .

Dowladda Hindiya ayaa ciidamo badan ay ku jiraan milatari geesay goobta ay mashaqada ka dhacday, waxa ayna ciidamada iyo kooxaha gurmadka degdega buundada burburkeeda kasoo saarayaan dad dhintay iyo kuwa kale oo waxyeelo kasoo gaartay.

Booliiska iyo maamulka gobolka Gujarat ayaa sheegay in baaritaano lagu sameenayo sababta keentay buundada burburkeeda iyo sidoo kale khasaaraha rasmiga ah ee shilkaasi ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney dilaa ah oo laga baadi goobayay Kenya oo la helay iyada oo Meyd ah

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Safaarada Somalia ee Ankara soo celineyso dhaawacyadii Ex-Control?

Caydiid Ali

Maamulka Gobolka Gedo oo kahor yimid Guddigii uu Ra’isul Wasaare Rooble magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---