Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay sabtidii qaraxyo xooggan oo ismiidaamin ah, qaraxyadan ayaana galaaftay nolosha dad ka badan boqol qof halka dhaawacyadana ay ka badan yihiin saddex boqol qof oo kale.
Qaraxyadan ayaa magaalada ka dhacay xilli wadooyinka inta badan yaallaan koontaroolo ay adag tahay in ay gaadiidka shacabka soo maraan lana baaro gaadiidka, haddana gaadiidkan qaraxyada waday ayaa wadooyinka si sahlan kusoo dhaafay.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in baabuurta qaraxyada soo galiya magaalada Muqdisho ay fududeeyaan saraakiil ciidan uu tilmaamay in lacago ku qaataan hooshaasi kuna dhistaan daaro waa weyn.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in wadooyinka ay yaalaan koontaroolada lagu dhibo dadka shacabka, balse si fudud kusoo gudbaan baabuurta wada qaraxyada ee dhibaatada u geesta dadka Muqdisho.
”Saraakiisha amniga ee qaraxyada gudbiya,daaraha waaweyn dhista ,waxa ay ka xun yihiin Khawaarijta laayaanka ah. Shacabka baraha koontorool dhib bey ku soo gudbaan, qaraxyadana si fudud.” ayuu yiri xildhibaan Maxalimuu.
Gaadiidka qaraxyada fuliya ayaa la sheegaa in si fudud lagu soo galiyo magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ammaankooda sida weyn loo adkeeyo ayna yaalaan baro koontarool oo laga ilaaliyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com