Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda gurmad ballaaran oo loo sameynayo dadkii faraha badnaa ee waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadii shalay ka dhacay nawaaxiga isgoyska mashquulka badan ee Zoope.
Dhismaha Baar Fatxi ee ku burburay qaraxyadii shalay ka dhacay nawaaxiga Zoobe ayaa galabta laga soo saraay meydadka dhowr qofood oo uu ku jiray nin sarifle ahaa oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cabdulle.
Waxaa weli socda baadi goobka dad weli nolol iyo geeri lagu weysan yahay, waxaana isbitaalada wareegaya ehelada dadka maqan. halka qaarkood ay quusteen iska markaana ay bilaabeen iney tacsi dhigtaan.
Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale waxay u galeen safaf Isbitaalada, si ay dhiig u bixiyaan, waxaana la xaliyey caqabado qabsaday markii hore dadka dhiiga ku deeqaya oo la weydiiyey lacago lagu baarayo dhiiga ka dib markii  masuuliyiinta DF ay arrintaas kala hadleen madaxda isbitaalada.
Dadweyne kale oo damqaday ayaa cunto iyo biyo u qeybinayey qoysaska danyarta ah ee eheladooda dhaawacmay kula jira isbitaalada, halka qaar kalena ay lacago u qeybinayeen.
Kooxda Al-shabaab oo la aaminsan yahay iney fuliyeen qaraxyadan ayaan weli sheegan masuuliyadiisa, waana wax looga bartay ineysan ka aamusan qaaxyada khasaarahaa badan u geysta shacabka.
Dad ka badan 100 qof ayaa ku naf waayey in ka badan 300 kalena wey ku dhaawacmeen Magaalada Muqdisho qaraxyadii is xig xigay oo ka dhacay shalay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com