Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo shaaciyay tirada khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Soobe

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii shalay gilgilay isgooska Soobe.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in qaraxyadii ka dhacay isgooska Soobe inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen 104 qof ,halka dadka ku dhaawacmay qaraxyada tiradooda uu ku sheegay 269 qof.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir meydadka dadka dhintay wali aan la aqoonsan lix qof oo kamid ah dadkaasi, waxa uuna ugu baaqay dadka ehelkooda ka maqan yihiin in ay tagaan isbitaalada ayna soo arkaan dadkaasi aan la aqoonsan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka magaalada in ay u gurmadaan oo caawiyaan dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii Soobe gaar ahaan kuwa dhaawacyada qaba ee isbitaalada ku jira.

Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho in aysan lacag ka qaadin kuna xirin dadka kusoo dhaawacmay qaraxyadii Soobe, waxa uuna xusay in dadka dhaawacyada culus qaba in ay diyaar u yihiin in ay la xaliyaan isbitaalada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana sheegay in baaris ku sameenayaan wararka sheegaya in isbitaalada qaar lacago ku xireen kana qaateen dad shacab ah oo dhiigooda si tabarucaad ah ugu shubayay dadkii qaraxyada ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay isimada Gobolka Bari (Sawirro)

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo danjiraha Maraykanka u gudbiyey go’aan ku saabsan doorashada Somalia

Caydiid Ali

Hoobiyaal saakay lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---