Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Caafimaadka oo ammar siisay Isbitaalada magaalada Muqdisho kuyaalla

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya oo ku amartay dhamaan Isbitaalada Muqdisho in Shacabka  dhiiga ugu deeqaya walaalahood ay dhibaatada kasoo gaartay qaraxii Soobe u fududeeyaan habraacyada looga baahan yahay si ay u bixiyaan dhiigaga.

Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa inta badan saakay dad doonayay in dhiig u shubaan dhaawacyo yaalla isbitaalada xujo uga dhigay in ay bixiyaan lacago, waxa ayna arrintan carro  ka abuurtay baraha bulshada.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka  ayaa ku amartay  isbitaalada in ay joojiyaan lacagaha dadka ka qaadayaan , waxa ayna ku adkeynaysay  isbitaalada in ay caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaadhay.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday  shacabka Muqdisho inay si degdeg ah u gaadhaan Isbitaalada danta guud ee Demartini, Benadir, Madiino iyo Ex-Digfeer oo diyaar u ah fududeynta howlaha gaarka Caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay dagaalkii ka dhacay degaanka Wisil

Caydiid Ali

Dowladda Somalia oo dalka ka mamnuucday hey’ad caan ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Suuq kuyaala Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---