Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo Shaacisay dibadda loo qaadayo qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Soobe

Isbitaalada magaalada Muqdisho qaarkood waxaa la geeyay oo xaaladooda lagula tacaalayaa qaar kamid ah dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Soobe, waxaana jira dhaawacyo qaarkood culus yihiin oon dalka waxba looga qaban karin.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan  ayaa booqasho ku tagay qaar kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho ee la geeyay dhaawacyada, si uu qiineyn ugu soo sameeyo xaalada dadka dhaawacmay.

Waxa uu sheegay wasiirka in dadka dhaawacyada aadka u culus qaba ee adag tahay in xaaladooda Muqdisho wax looga qabto u qaadi doonaan isbitaalo kale oo kuyaalla dalka dibadiisa si loogu soo daweeyo.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha Soomaaliya ammar ku siiyay xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa dadka dhaawacyada culus qaba.

Qaraxyadii shalay ka dhacay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad ka badan 100-qof, halka ay ku dhaawacmeen boqolaal qof oo kale oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Ciise Guurre oo la kulmay Guddi talo bixin loo xil saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Qorshe uu Damacsan yahay Maxamed Bin Salman marka uu xilka la wareego Biden oo la kashifay

Cabdi Cade

Dhac Nuuc cusub ah oo kusoo kordhay Muqdisho iyo Walaac xoogan oo laga muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---