Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhimashada qaraxyadii Soobe oo ka badatay sidii la qiyaasayey (Tirakoob hordhac ah)

Waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo ku saabsan khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray xarunta Wasaarada Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare oo ku taalla agagaarka laami yaraha Soobe.

Meydadka dad ka badan 100 qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan ayaa la gaarsiiyey galabta illaa caawa isbitaalada iyo goobaha kale ee Caafimaadka magaalada Muqdisho sida ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Isbitaalka Madiina oo kaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay in la geeyay meydadka 75 qof, waxaa la sheegayaa Isbitaalo kale inay yaallaan meydad kale, inkastoo aan tiradooda la shaacin.

Khasaaraha labadii qarax ee maanta ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa isa soo tarayaa, iyagoo ka badan sida markii hore la qiyaasayey, Waxaana jira dad eheladooda la’ oo ka baadigoobaya Isbitaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, saraakiisha Caafimaadka isbitaalada ayaa shacabka ka dalbanaya iney yimaadaan goobaha Caafimaadka si ay dhiig ugu deeqaan dadka dhaawaca ah ee galabta ilaa caawa la geeyey, kuwaasoo qaarkood xaaladoodu aad u liidato.

Qaar ka mid ah dhaawacyada la geeyey ayaa la sheegay inuu horey uu dhiig bax ugu dhacay, ayna adag tahay in qaliimo lagu sameeyo iyagoo aan dhiig lagu shubin si naftooda loo badbaadiyo, xaalad cakiran oo murugo badan ayaana caawa kaa jirta isbitaalada la geeyey dhaawacyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo la kulmay Amb. Olgan Bekar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dad boob ka waday dalka Koonfur Afrika oo is buurtay iyo Dhimasho badan oo ka dhalatay

Cabdi Cade

Gudiga Adeega Garsoorka Koonfur Galbeed oo maanta la dhaariyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---