Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Turkiga & QM oo war ka soo saartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho

Dowlada Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyadii xooganaa ee maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxisada ah, waxaana u rajeyneynaa in Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa eheladii iyo qaraabadii iyo sidoo kale shacabka saaxiibada iyo walaalaha ah iyo dowladda Soomaaliya, waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah dhaawacmay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowlada Turkigu ka xun tahay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.

“Waxaan aad uga xunahay markii aan ogaanay in dad badan ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen weeraradii argagixiso ee maanta (29 October) ka dhacay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Dhaawacyada qaar ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi baarista Recep Tayyip ErdoÄŸan ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu soo gebagebeeyey.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa iyana si kulul cambaareysay qaraxyadan khasaaraha badan dhaliyey.

“Bahda Qaramada Midoobay waxay si kulul u cambaaraynaysaa weerarkii bahalnimada ahaa ee Al-shabaab ay maanta ka geysteen meel u dhow isgooyska KM-5 ee Muqdisho. Waxaan tacsi u direynaa bahdu qoysaska dhibanayaasha, waxeyna u rajaynaysaa caafimaad degdeg ah kuwa ku dhaawacmay weerarkaa, iyadoo si buuxda uga taageereysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ka hortagga argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA ARRIMAHA DIBEDA EE TURKIGA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada federaalka oo la sheegay in Akoonka Galmudug kala baxday lacag ka badan 5-Milyan Dollar

Cabdi Cade

RW ku-xigeenka Somalia oo khudbad ka Jeediyay shir caalami ah oo ka socda Brusells (Sawirro)

Caydiid Ali

Iska Hor imaad goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

admin