Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa bilowday fulinta xukuno dil ah oo maxkamadda horey u riday, inta badan intii ay jirtay dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wararku sheegayaan in guddoonka maxkamada ciidamada qalabka sida ka dalbaday in la dedejiyo fulinta xukunada dilka ah ee la riday gaar ahaan kuwa lagu riday xubnaha katirsan Al Shabaab.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha saxiixay in la fuliyo xukunno dil ah oo horey maxkamadda u riday, kuwaa oo dhawwaan lagu fuliyay qaar kamid ah rag dil ku xukunaa uu ku jiro ninkii dilay wasiir Cabaas iyo Siraaji iyo rag kale oo iyana dilal geestay.
Maxkamadda ciidamada ayaa la sheegay in xukun dil ah ku riday sannadihii lasoo dhaafay 29-nin oo loo heesto in ay katirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish, kuwaa dhawwaan afar kamid ah xukun dil ah lagu fuliyay.
Sargaal katirsan maxkamadda ciidamada ayaa laga soo xigtay in qorshaha yahay in xubnahan xukunka dilka ah lagu riday ee loo heesto in falalka argagaxiso dilka lagu fulinayo labada bil ee ka harsan sannadka cusub.
Xabsiyadda Muqdisho waxaa sidoo kale ku xiran dad ku dhaw 100-qof oo isugu jira shacab iyo askar ,kuwaa oo iyana lagu riday xukunno dil ah, waxaana xubnahan qaarkood la filayaa in lagu fuliyo xukunnada dilka ah ee lagu riday.
Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaa aad u yareesay xukunnada dilka ah ay fuliso, waxaana intii Farmaajo talada hayay dadka xukunada dilka ah lagu fuliyay la tilmaamay in ay aad u yaraayeen, waxa ayna u badnaayeen xubnaha la dilay Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com