Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo saakay gaaray degmada Buuloburde

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar indha indheyn waxaa ay ku gaareen magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Muaden Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.

Safarka masuuliyiinta ku tageen Buuloburde ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale inta ay joogaan degmada Buuloburde waxa ay kulammo la yeelan doonaan saraakiisha amniga ee ka socdo ATMAS, SNA, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xoogan oo dhax maray Ciidamada dowlada iyo dagaalyahanada Al Shabaab

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar kale ku qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Milatariga Kenya

Cabdi Cade

Nin la tuhmayo in uu katirsan yahay Al Shabaab oo lagu xiray dalka Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---