Allbanaadir.com
NEWS

Imam Daaci ah oo si uu Diinta Islaamku u faafiyo isku baray 25 Luqadood !

Booqde walba oo yimaada masjidka İsa Bey ee dhaca gobalka Izmir ee dalka Turkiga, waa inuu ogsoonaadaa imaam aan imaamyada lamid ahayn kaas oo dacwada iyo fidinta diinta Islaamka u adeegsada luqadda jaceylka.

7 sanno kahor ayaa loo magacaabay imaamka masjidka, Ibrahim Taşdemir wuxuu 25 afaf u adeegsadaa farriimo kookooban oo ka hadlaya barashada iyo fahamka diinta Islaamka. Waxayna isugu jiraan axaadiis iyo aayado Qur’anka kariiimka ah. Markaas kadib ayuu u hadyeeyaa nuqul kamid ah Kitaabka Qur’anka.

“Waxaan rabaa inaan tuso sida Islaamku u qurux badan yahay,” ayuu yiri. “Maadaama aan ku hadli waxooga yar oo af Ingiriis iyo Hollandees ah, haddana waxaan fahmay in dadku ay aad kuugu dhego-nuglaadaan marka aad kula hadashid afkooda gaarka ah.”

“Aad bayna ula ashqaraaraan marka ay arkaan Imam afkooda kula hadlaya,” ayuu sii raaciyay.

Kuwa quuddaraynaya inay wax badan oo dhaqanka Islaamka iyo nolosha qofka Muslimka ah ku saabsan ay bartaan, Taşdemir wuxuu geeyaa meel uu ku baro sida loo weysa-qaato iyo wixii la halmaala.

Dadaalkiisuna wuxuu ilaa hadda u muuqda mid la mahdiyay, madaama uu farriimo bogaadin iyo amaan leh ka helay dadkii soo booqday oo qaarkood ay xattaa qaateen diinta Islaamka. Ilaa iyo hadda wuxuu qeybiyay kutub gaaraysa 26,000 oo nuqullo ah.

Islaamku waa diinta koowaad ee Turkiga. Marka loo eego tirakoobka dowladda, 99% dadka Turkiga u dhashay waa Muslimiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulanka guddiga joogtada (Sawirro)

Cabdi Cade

Intee la egtahay Rajada laga qabo in Dowlada Somalia laga cafiyo Deymaha lagu leeyahay ?

admin

DFS oo soo dhaweysay Qaraar uu ansixiyay Baarlamaanka Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---