Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Putin oo ka hadlay Wararka sheegaya in Dagaalka Ukraine u isticmalayo Nukliyeer

Warbaahinta reer Galbeed oo soo xiganayay saraakiil kala duwan ayaa marar badan baahiyay in suurto gal tahay in dowladda Ruushka dagaalka Ukraine u isticmaasho hubka Nukliyeerka, kaddib guuldarooyin dagaalka kasoo gaaray.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa beeniyay in ay qorsheenayaan in hubka nukliyeerka ah ku weeraraan dalka Ukraine, waxa uuna tilmaamay inaysan wax macno ah sameyneyn in Ruushka ay Nukliyeer ku weeraraan Ukraine.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Putin in aysan jirin haba yaraatee wax baahi ah oo Ruushka ku kalifaya in hubka nukliyeerka ku weeraraan Ukraine, marka loo eego siyaasad ahaan iyo sidoo kale milatari ahaan.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in diginin uu horey u jeediyey oo aheyd inuu diyaar u yahay inuu adeegsado “wax kasta oo la heli karo si loo difaaco Ruushka,” aysan ka dhigneyn isticmaal Nukliyeer.balse jawaab u aheyd hadalo reer galbeedka kasoo yeeray.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweynaha Ruushka ayaa meesha ka saaraya cabsi badan oo laga muujiyay in suurto gal tahay in Ruushka dagaalka Ukraine u adeegsadaan hubka nukliyeerka, kaddib markii ay ku fashilmeen duullaanka ay ku qaadeen Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo yeelanaya Iskaashi dhinaca Ciidanka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gen. Sam Okiding oo soo gaaray Muqdisho Ballan-qaad culusna sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkadda Microsoft oo wajaheysa Cillad dunida curyaamisay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---