Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ismaaciil Max’ed Xuseen oo la wareegay xilkii uu u Magacaabay duqa Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Xamar Jajab Mudane Ismaaciil Maxamed Xuseen ayaa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Degmada Mudane Mucaawiye Muudeey kadib Munaasabad Galabta ka dhacday Xarunta Degmadaas.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Odayaal dhaqan iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) iyo Agaasimaha Waaxda Xiriirka Degmooyinka Gobolka Banaadir Mudane Mukhtaar Axmed (Dhaga-Cadde) oo Munaasabada ka hadlay ayaa waxay Guddoomiyihii hore ee Degmada ku amaaneen shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xilka hayay.

Waxay sidoo kale Guddoomiyaha Cusub kula dardaarmeen inuu ka shaqeeyo horumarinta Degmada Xamar Jajab, iyagoo shacabka degmadaas ugu baaqay iney la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa gudoomiyeyaal cusub u magacaabay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo xilka ka qaaday qaar ka mid ah gudoomiyeyaashii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil oo ugu dambeyn heshiis xabad joojin ah la gaartay kooxda Xamaas

Caydiid Ali

(Sawirro) Golaha Wakiilada Somaliland oo cod u qaaday Xeerka Doorashooyinka

Caydiid Ali

Ciyaaryahan Soomaaliya Caan ka ahaa oo u geeriyooday Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---