Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Villa Somalia oo war ka soo saartay Shirka furmay ee Golaha Wadatashiga Qaranka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya hirgelinta  siyaasadda lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay Madaxtooyada dalka.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya , Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shirkan diiradda ku saaraya, dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed  iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaannada dowlad-goboleedyada ayaa adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaallada dalka lagu xoreynayo iyo gurmadka loo fidinayo shacabka kasoo barakacay Abaaraha iyo Argagixisada.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac,  Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho, Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho, Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar culus oo qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday magaalada ….

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo wada dedaal dalka loogu soo celinayo boqolaal Qaxooti ah

Caydiid Ali

Hodan Naaleeye iyo Seygeeda oo kamid noqday dadkii lagu dilay Weerarkii Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---