Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wasiirka amniga Galmudug oo soo xiray tababar ciidan cusub oo Booliska ah (Sawiro)

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), saraakiisha Booliska Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa ka qaybgalay xiritaanka tababarka ciidankan Booliska ah oo muddo 3-bilood ah lagu tababarayey duleedka degmada Cadaado.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay ku faraxsanyihiin ciidankan tababarka dhammaystay, kuwaas oo ka qayb qaadan doona xoojinta ammaanka deegaanka iyo ilaalinta sharciga.

Taliyaha Booliska Galmudug Gaashaanle Fare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa u mahadceliyey saraakiisha dugsiga tababarka, waxaana ay faray askarta tababarka dhammaysatay inay si ficil ah uga muuqato cilmigii la baray mudadii sadexda bilood ahayd ee ay dugsgan ku jireen.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden Gaboobe ayaa xusay in ciidankan tababarka dhammaystay ay ku soo aaday waqti xasaasi ah oo Galmudug ay ku jirto dagaal ka dhan ah argagixisada.

Waa dufcadii 1-aad oo ka soo baxa dugsiga tababarka Booliska Galmudug ee degmada Cadaado, waxaana ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan xasilinta deegaanada laga saaray kooxda Al-shabaab.

Related posts

Musharaxdiinta oo War kasoo saaray Shirka Dhuusomareeb Digniin adagna u diray Farmaajo

Cabdi Cade

Saraakiil lagu dilay dagaalka Dhuusaareeb iyo Maxaabiis dhaawacyo qaba oo..

Caydiid Ali

Wasiirada arrimaha dibeda ee Soomaaliya iyo Kenya oo Qadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---