Waxaa goordhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka furmay shirka golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Shirkan uu guddoominayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha amniga, gulufka socda, shidaalka ,abaaraha iyo guud ahaan dowlad dhiska Soomaaliya.
Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa la filayaa in shirkan ka dhiibtaan aragtidooda ku aadan sidii guud ahaan dalka looga bilaabi laha ahowlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.
Shirkan ayaana la filayaa gabogabdiisa in laga soo saaro war-murtiyeed lagu xusayo dhammaan qodobadii ay isku raaceen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com