Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo goordhaw soo gaaray Muqdisho si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano kamid ah labada aqal iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka madasha wadatashiga qaran, kaas oo xoogga lagu saari doonno arrimaha amniga, gulufka socda, abaaraha iyo guud ahaan dowlad dhiska Soomaaliya.

Shirka wadatshiga Qaran ayaa la filayaa in saacadaha soo socda si rasmi ah uga furmo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb galaya madaxweynaha iyo madaxda dowlad goboleedyada oo dhammaan ku sugan Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku dhowaad kun arday oo u fariisatay Imtixaanka Qubuulka ee Jaamacadda Benaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey qorshaha NTP-2025-2029

Caydiid Ali

Waa kuma Maxamed Qanyare “ Taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay (Qaybta Koowaad)

admin
Taboola Ads ---