Dagaalyahano katirsan kooxda Daacish ayaa rasaas xoogan ku furay goob ay ku sugnaayeen dad shiico ah oo u dhashay dalka Iran, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Weerarka ayaa ka dhacay goob ay shiicadu barakaysato oo lagu magacaabo Shah Cheragh oo ku taalla magaalada Shiraz, waxaana mar qura rasaas xoogan lagu furay dadkii ku sugnaa goobtaasi.
Inta la xaqiijiyay 15 qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta ay barakeestaan dadka shiicada ah ayaa dhintay ,halka ay weerarkan ku dhaawacmeen dad ka badan 40-qof oo qaarkood la sheegay in ay ku yaalaan dhaawacyo culus.
Dowladda Iran ayaa si kulul u cambaareesay weerarkan oo ay ku tilmaantay mid argagaxiso , waxa ayna dowladda sheegtay in lasoo xiray labo qof oo la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weerarkan.
Kooxda Daacish aya adurba sheegatay masuulitada weerarkan dadka badan lagu dilay, waxa ayna kooxdan ku hanjabtay in weeraro kale ka fulin doonto dalka Iran iyo qeybo kamle oo ay sheegeen in cadaw joogaan.
Weerarkan ka dhacay dalka Iran ayaa imaanaya xilli dalkaasi qeybo kamid ah muddo bil ka badan ka socdaan banaan baxyo balaaran oo looga soo horjeedo dowladda, waxa ayna banaan baxyadaasi saameyn badan ku yeesheen siyaasadda dalkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com